Dowlada Ethiopia oo saami dhaqaale kuyeelanaysa dekada berbara

0
884

Dowladda Itoobiya oo saami dhaqaale laga siiyay Dakadda Magaalada Berbera


14 May 2017

Dowladda Itoobiya ayaa saami dhan 19% waxaa laga siiyay Dakadda Magaalada Berbera ee Somaliland, sida uu sheegay Afhayenka Somaliland Xuseen Cige Dayr.

Xuseen Cige, ayaa sheegay saamigaasi in dowladda Itoobiya ay siisay Shirkada DP World, balse aanu aheyn mid ka yimid dhanka Xukuumadda Somaliland.

Wuxuu sheegay sidoo kale inaysan jirin wax saxiix ah oo dowladda Itoobiya ay ku leedahay arimaha ku aadan wareejinta Dakadda Magaalada Berbera.

“Itoobiya saxiixa waxba kuma lahan dakadda waxaa kireeyay Somaliland, Kiraystuhuna waa Shirkada DP World la dhaho, 19% waxaa siisay DP World Dowladda Somaliland 35% aynu laheyn waxba kama go’in.” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland.

Anfacaada ku jirta heshiiska dhexmaray DP World iyo Somaliland, ayaa ah in Dakadda Magaalada Berbera lagu sameyn doono dib udhis iyo tayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.