Xildhibaan C/fataax “DF Dacwad uma gudbin Kenya”

0
946

Xildhibaanadii ku bahoobay Dalada Horusocod ayaa beeniyay in ay jiraan wararka sheegay Dowladda Soomaaliya in ay Kenya u gudbisay dacwad ka dhan ah Xildhibaanadan oo ku sugnaa Magaalada Nairobi.
Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir kana mid ah xildhibaanada ku bahoobay madasha Horusocod ayaa beeniyay warkaasi, oo ay baahiyeen warbaahinta qaar ee dalka.
Waxa uu sheegay Xildhibaanada iyaga xitaa in ay ka tirsan yihiin Dowladda ayna jirin meel kale oo lagu dacweeyo, arrimahaasina ay wataan shaqsiyaad gaar ah.
Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir ayaa sidoo kale sheegay hadii ay jirto arrintan dacwada ah in ay ceeb ku tahay Dowladda Soomaaliya.
Xildhibaanadan ayaa maalmo ka hor Nairobi kaga dhawaaqay madashan cusub, taasi oo dareen galisay madaxda Dowladda, maadaama xubnaha hormuudka u ah madashan qaarkood ay horay u waayeen xilal Dowladeed oo ay u tartameen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.