Raizalwasare khayre oo kulan isla xisaabtan ah layeeshay qaar kamid ah golaha wasiirada

0
750

Isla xisaabtanku waa hanan la isku raacsan yahay in uu laf dhabar u yahay qabsoomidda shaqo wanaagsan isla markaana abuurta dowladda wanaagsan iyo kalsoonida dowladda iyo Shacabka.
Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Mudane Xasan Cali kheyrre oo ka duulaya aragtidaasi ayaa kulamo isla xisaabtan oo fool ka fool ah waxa uu la yeeshya xubnaha golaha wasiirradda si looga dhabeeyo Barnamijka dowladda ee Nabad iyo nolal.
Mudanr Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliyae ayaa soo gaban gabeyey maanta wajiga 1aad ee qorshaha uu kula xisaabtamayo wasiirradiisa tasi oo soo billaabatay Maalintii shalay ahayd, iyadoo wasiir kasta uu usoo gudbiyey qorshe howleedka wasaraddiisa ee 100 maalin, taas oo noqon doonta tan wasiir kasta lagula xisabtami doono isla markaana lagu qiimayn doono wax qabadkiisa marka ay dhamaato boqolka Maalin. Sida uu warbaahinta qaranka u sheegay wasiiru dowlaha xafiiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdullahi Xamud.
Qorshaha Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyrre uu kula xisaabtamayo xubnaha golahiisa wasiirradda ayaa ah mid ku Cusub hannanka dowadanimada dalkeenna. taas oo meesha ka saaraysa Musuq maasuq iyo maamul xumada oo haddii ay dhacdo dhaawacaysa hannanka dowladnimo ee dalkeenna, isla markana sare u qaadaysa kalsoonida iyo muraalka shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here