Degmada Garbahareey oo laga hirgaliyey warshad soo saarta biyaha macaan

0
489

Magaalada Garbahareey waxaa markii ugu horeeysay laga furay warshad sifaysa biyaha islamarkaana ah warshad biyo macaan soo saarta taa oo fulinteeda ay lahayd Raasamal company oo ah company kasoo shaqeeyay meelo badan oo dalka soomaaliya kamid ah.

Ganacsato soomaaliyeed kana soo jeeda gobolka gedo ayaa isku hawlay sidii ay u fulin lahaayeen mashruucan oo ah laba qaybood oo kala ah soo saarka biyo nadiif oo filtaraysan iyo in biyihii loo badala kuwa macaan oo bulshadu ay u wada riyaaqday xili degmadasi laga isticmaali jiray ceelal biyoodya.

Warshadan oo ah midii ugu horeeysay ee laga furo gudaha degmada Garbahareey ayaa soo saari doonta biyo maalin waliba biyo kufilan bulshada kunool degmada Garbahareey ee xarunta gobolka gedo iyo deegaanada kuxeeran.

Ganacsato kasoo jeeda gobolka gedo ayaa lahaa hindisaha hirgalinta warshad biyo nadiif ah oo macaan soo saarta islamarkaana bulshada halkaa kunool ay aad ugu baahnaayeen arinkaan.

Geesta kale masuuliyiinta Raasamal company oo ah companiga fuliyay hawshaan ayaa sheegay in hawshan ay in mudo ah kutaamayeen islamar ahaantaana ay tilmaameen in bulshada kunool degmada Garbahareey iyo deegaanada ku xeeranba ay ka faa,iidaysan doonan talaabadan laqaaday.

Bulshada gobolka gedo gaar ahaan kuwa kunool degmada Garbahareey ayaa tibaaxay in ay aad ugu baahnaayeen helista biyo nadiif ah oo maacan waxaana ay kaga mahaceliyeen musuuliyiintii hawshan isku xilqaadantay fulisayna arinkaan iyadoo ay tilmaameen in xiligan aad loogu baahnaa hawshan hirgalinta biyaha macaanka ah.

Xiliyada kulay laha waxaa inta badan degmada Garbahareey dadka kudhaqan dhibaato ba,an ay kala kulmaan isticmaalka biyo aan filtaraysnayn taa oo marar badan sababtay in degmadaasi uu kadilaaco xanuunka shuban biyoodka oo soo noq noqda biyaha ay isticmaalan awgood balse iminka ay rajo wanaagsan kaqabaan in xanuunkaasi laga baaqsan doona maadama lafuray warshad biyaha sifaysa soona saarta biyo macaan.

Injineero qibrad u leh hawlahan oo kale ayaa ahaa kuwa iyana dadaalkan lasameeyay kaqayb qaatay kuwaa oo qaarkood meelo badan kasoo hirgaliyay barnaamijkan oo kale.

Ugu dambayntii dad badan oo kasoo jeeda gobolka gedo ayaa arinkan kutilmaamay talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday deegaankana hormar u keenaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here