Ra’islawasaaraha Soomaaliya ayaa manta dhagaxdhigaya dib u dhiska Waddada Soddonka ee Magaalada Muqdisho.

0
836

Waddooyinka Maka Al-Mukarrama iyo Wadnaha ayaa horay u helay Dayactir inkasta oo Roobka Guga ee ka da’ay Muqdisho uu bur buriyay qeyb ka mid ah Waddada Wadnaha ee Mgaalada Muqdisho.

Ra’islawasaaraha ayaa maanta dhagaxdhigaya dib u dhiska Waddada Soddonka,waxaana ay noqoneysaa Waddadii 3aad ee hesha dib u dayactir,kana mid ah Afarta waddo ee waaweyn ee Bari iyo Galbeed isaga kala goosha Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka Maka Al-Mukarrama,Wadnaha iyo Soddonka ayaa la xiray,waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Gaadiidka dadweynaha ka celinaya Waddooyinkaas.

Halka kaliya lafasaxayo dadka lugeynaya,waxaana sababta waddooyinkaas loo xiray ay tahay Safarka Ra’isalwasaaraha eek u tagayo Waddada 30-ka ee Muqdisho.

Haddii ay 30-ka sidaas ku hesho dayactir waxaa haraya oo kaliya Waddada Wershadaha ee Muqdisho oo uu iyadu aad u saameeyay dagaalladii u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab oo ay uga sii horreysay dagaalladii Dhexmaray Ciidamadii Itoobiya iyo Kooxihii la isku dhihi jiray Muqaawamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.