Siyaasiga Axmed Daaci: “dowladda inta aysan mas’uuliyiinta Hubka ka dhigin,Al-shabab haka dhigto

0
395
GE DIGITAL CAMERA

Siyaasiga ahmed daaci ayaa ka hadlay howlgalka xasilinta ee ka socda Caasimada Muqdisho, kaas oo ay isku raaceen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Axmed Daaci oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Wadajir ee gobalka banaadir ayaa sheegay iney dowladda cusub iney ka muuqato degdeg xoogan loogana baahanyahay iney ka baaraandagaan qaadashada go’aanada qaar ee la xiriira sugida amniga.
Waxa uu soo qaatay amarka lagu soo koobay hubka ay qaadan karaan masuuliyiinta Dowladda oo Golaha Wasiirada iskula qaateen inuusan ka weynaan Qoriga loo yaqaano AK-47, Masuul kastana gaariga uu usaarnaado 4 askari oo kali ah.

Go’aankaas ayuu ku sifeeyay mid Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda loogu sahlayo iney bartilmaameedsadaan Masuuliyiinta dowladda maadaama la kooba dadka ilaalada unoqoneysa.
Axmed Daaci ayaa sheegay in ka hor inta aan hubka laga qaadin dadka ushaqeeya Dowladda marka hore ay lagama maarmaan tahay in hubka dhigis lagu sameeyao Al-Shabaab oo ah dadka koowaad ee bartilmaameedsada masuuliyiinta dowladda iyo dadka ushaqeeya hay’adaha hoostaga Qramada Midoobey.

Gudoomiyihii hore ee Wadajir Axmed Daaci ayaa shalay munaasabad ay joogeen Maamulka Gobolka Banaadir tagay isagoo watay hubkii ugu faraha badnaa oo ay Caasimada ka manuucday dowladda in lagu dhexwato.

HALKAN HOOSE DHAGEYSO
humbaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here