Wasiirka gaadiidka dowlada somaliya ayaa kahadlay sababta turkey airline uga dagi waysay garoonka moqdishu

0
938

Home / Somali News / Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dulka ee Xukumadda Soomaaliya oo ka hadlay Sababihii ay udagi weysay Diyaaradda Turkish Airline.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dulka ee Xukumadda Soomaaliya oo ka hadlay Sababihii ay udagi weysay Diyaaradda Turkish Airline.
May 29, 2017

Maxamed C/llaahi Salaad oo ah Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Markii ugu Horeysay Ka hadlay Sababihi ay Udagi weysay mudo dhowr maalmood ah Shirkadda Duulimaadka ee Turkish Airlines oo soo caga dhigan weysya Garoonka magaalada Muqdisho wixii ka horeeyay Shalay.
Wasiirka ayaa sheegay in sababta diyaarada ay u degi weyday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay aheyd dabeyl badan oo jirtay, taasoo dhaaftay xadkii loogu tala galay sida uu yiri.
“Diyaarada Turkish Airlines waxay u sii degi weyday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxay aheyd kaliya dabeysha oo xadkii loo ogolaa inay diyaarada ku soo degto ka badneyd, marka diyaarada dageysa dabeyl ayaa gadaal kaga soo dhacda, hadii ay dhaafto xawaaraha ama xadkii loogu tala gala, looma ogola inay degto”ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay tahay sharci u gaar ah shirkadda Turkish Airlines, isla markaana aanay aheyn mid garoonka Muqdisho kaliya quseysa.
Shirkadda Diyaaradda Turkish Airline ayaa mudo Sadax maalmood ah dib uga laabanysay Magaroonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Waxaana la sheeegay in ay ku dagi la’ayd Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.