Qaraxyo lagu qabtay magalada boosaaso Iyo ragii waday.

0
512

Ciidamada Amaanka maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari ku qabtay Lab nin iyo sidoo kale walxaha qaraxa oo la sheegay iney wadeen.
Howlgal ay ciidamadan sameeyeen ayeey ku qabteen gaari nooca loo yaqaan Candho Meydle oo walxahan iyo qalab kale hoos loo dhigay sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada howlgalkaan sameeyay.
Walxaha la qabtay waxaa kamid ah sanduuqyo iyo daasado ay ku jiraan walxaha qarxa, Labo Bam gacmeed, Labo gacan oo isgaarsiin ah, Taarikooyin iyo sidoo kale qalab kale.
Saraakiisha ammaanka Boosaaso ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno kale, kadibna raggan cadaaladda la horgeyn doono.
Halkaan hoose ka daawo sawirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here