Muqdisho oo laga safeeyey ciidamadii iska dhex yaaacay.

0
500

Muqdisho oo laga safeeyey ciidamadii iska dhex yaaacay. 

Ciidamada sida gaarka ah loogu xil saaray xasilinta Magaalada Muqdisho ayaa la wareegay guud ahaan isgoysyada muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho iyadoo la arkayey baaritaan ay ka wadaan inta badan Muqdisho.

Ciidmadaan oo oo isugu jiro Boolis Militari iyo nabadsugid ayaa la arkayaa iyagoo ku sugan dhammaan isgoyskada aadka loo isticmaalo ee Magaalada Muqdisho waxayna baaritaan ku sameynayaan guud ahaan gawaarida isticmaaleyso waddooyinka haddii ay xataa wataan Madaxda Dowladda .

Ciidamadaan ayaa Howlgalkii ugu weynaa oo  ay ka sameyeen Mudisho ka fuliyay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho oo dhowaan iska hor imaad ciidamadaasi kula galeen ciidamo hubeysan.


Waxaa inta abdan howlgalka laga fuliyay Xaafada Silig ee degmada Wadajir oo dhowr jeer falal dilal qorsheysan ah ka dhaceen, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in lagu xiray dad boqolaal ruux ah oo ku dhow 400 oo Ruux.

Waxaa Muuqato in Muqdisho hadda lagu kala adkaaday maadaama ay ciidamada Xasilinta Muqdisho ku guuleysteen inay magaalada ka ciribtiraan Ciidamadii iska dhex yaaci jiray.

Ciidamadaan ayaa waxaa loo soo tababaray inay sugaan amniga Magaalada Muqdisho oo meel xun gaaray markii Farmaajo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.


Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan inuu qorshahaan yahay rajada kaliya ee Muqdisho qabto si loo helo nabadgalyo haddii ay joogto noqoto, waxaana la rajeenayaa inay wixii markaan ka dambeeyo Muqdisho noqon doonto mid ka badbaado halista Al-Shabaab iyo xasuuqa shacabka Masaakiinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here