Shacabka mogdishu oo aaminay dowlada farmaajo

0
558

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa markaan waxay si rasmi ah u bilaabeen iney wada shaqeyn aan cabsi lahayn la yeeshaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Shacabka oo arkay in Al-shabaab aysan cidna ixsaan u faleyn, kadib qaraxyo maati lagu laayey oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxay go’aan ku gaareen in magaaladooda ay Al-shabaab qeybtooda ka sifeeyaan.

Shacabka ayaa bilaabay iney ciidanka dowladda u sheegaan wax walbo oo ay ka shakiyeen, una maleeyaan in dhibaato kasoo socota.

Walxaha qaraxa ee maanta ciidanka ku qabteen degmada Wadajir waxaa soo sheegay shacabka Muqdisho oo ka shakiyey waxyaabaha meeshaasi la dhigay.

Sidoo kale shacabka ayaa bilaabay in ay is xisaabiyaan si loo ogaado cid walbo oo magaalada cusub, waana shaqo ay si iskood ah isugu direen.

Dowladda iyo ciidankeeda dhankooda waxaa looga baahan yahay iney wada shaqeyn buuxda la sameeyaan shacabka, sidoo kalena ay ka daayaan cadaadiska iyo waxyaabaha shacabka dhibsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here