Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ku dhawaaqay go’aan kacaraysiin kara Axmed Madoobe iyo Gaas

0
1062

Cabdi raxmaan Ducaale Beyle oo ah Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Go’aan aysan soo dhaweyn doonin Maamul goboleedyada dalka, Maadaama uu sheegay in Canshuuraha si wadajir loo qaadi doono Dowlada Soomaaliyana ay maamuli doonto.

Beyle ayaa ayaa sheegay in 10-Bishaan shir uu ka dhici doono Magaalada Muqdisho kaasoo ay ka qeyn gali doonaan dhamaan Wasiirada Maamul Goboleedyada dalka si loo mideeyo canshuuraha laga qaado Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo iyo Magaalooyinka kale.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa arintaan ku sheegay inay sabab u noqon karto in Soomaaliya ka maaranto beesha caalamka oo ay weydiisato deeq taas oo aan inta badan la helin balse la sameeyo Balanqaadyo been abuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here