Diyaarado xalay warqado kudaadiyay jilib iyo jamaame

0
612

Warar aan ka helayno ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in diyaarado ay xalay warqado digniin ah ku daadiyeen magaalooyinka Jilib iyo Jamaame oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Magaalooyinkaan ayaa waxaa gacanta ku haaya Ururka Al Shabaab, waxayna ku leeyihiin Saldhigyo waaweyn, iyadoo halkaasi ay joogaan madaxda Shabaabka.

Warqadaha digniinta ah ee Jilib iyo Jamaame lagu daadiyay ayaa lagu sheegay inay ku qornaayeen Shabaab muddo laba bilood gudahooda inay isku soo dhiibaan, haddii kale ay la kulmayaan dagaal adag.

Dadka ku nool Magaalada Jilib iyo dagaalyahanada ka tirsan Shabaabka ayaa waxaa soo food saaray xaalad cabsi ah, markii ay arkeen warqadahaasi.

Shabaab ayaa la sheegay markiiba inay aruuriyeen warqadaha si ay u gubaan, ugana hortagaan in fariintaasi ay gaarto dad kale oo ku nool Magaalooyinka Shabaabka ay maamulaan.

Al Shabaab ayaa awood ku leh Gobolka Jubbada dhexe oo ay ku sugan yihiin ciidamada ugu badan ee Shabaab ay haystaan iyo hubka ay ku dagaalamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here