maxada caanshuuraha ee dagmada dharkiinleey oo ka badbaaday qarax+sawiro

0
620

 

 

Waxaa shalay galinkii dambe qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan la doonayay in lagu dilo Madaxa canshuuraha Degmada Dharkeenley .

Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka la galiyo ayaa haleelay gaari uu la socday Madaxa Canshuuraha ee Degmada Dharkiinley Cali Maxamuud Jimcaale, masuulkan ayaa la sheegay in uu qaraxa ka bad baaday balse uu ku dhintay darawalkiisa.

 

Ciidamada amaanka ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay oo aheed xaafadda Kaawo Godey, ciidamada ayaana ku guuleesan in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi miino.

Shalay ayey aheed markii ciidamada amaanka sidoo kale fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay laamiga ku dhaw Iskuulka 21-Octoper, waxaana hada Muqdisho kusoo laabanaya qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here