Xaaf oo ka dagay gaayida diyaaradaha ee Cabuduwaaq

0
648

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta tagaya Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgadyyd ee Maamulka Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle Madaxweynaha Galmudug ayaa Safar dhulka ah uga Ambabaxay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana uu tagi doonaa Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdiga la socda ayaa kulamo la qaadan doona Mamaulka Degmada iyo Waxgaradka Degmada Caabudwaaq.

Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay Dhowr Jeer oo hore Dilal ku saleysan aano Qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here