Maamulka degmada Luuq oo Qeylo dhaan ka soo saarey Boqolaal Qoys oo ku Barakacay Fatahaada

0
473

I Maamulka egmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa Qeylo dhaan ka soo saarey Boqolaal qoys oo ku barakacay fatahaad maalmahii ugu dambeysay uu geystey webiga Jubba,isagoo sheegayna dhamaan dhul beereedkii ku yaaley Luuq dalagyadii ka baxayey in ay ku baaba,een Fatahaada webiga.

Cabdi Ibraahin Shaw shaw oo ah  Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka degmada Luuq ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyey Fatahada webiga in ay ku baaba,een dalagyadii saarnaa ilaa 500 oo beerood oo ay ka baxayeen dalagyo kale gedisan oo ay ka mid yahiin noocyo kale gedisan oo khudaar ah oo beeraleyda ay beerteen bishii hore.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxaa uu intaasi ku darey Roobabka iyo fatahaada uu sameeyey webiga jubba in ay waxyeelo ay ka soo gaartey hoygii ay deganaayeen dadka  Barakacayaasha ah ee deganaa duleedka degmada Luuq,Barakacayaashasi oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 450 qoys ayuu sheegay in ay u guureen meelaha taaga ah oo luuq u jirta ilaa 5 km,islamarkaana ay haysato xaalado nolol xumo ah.

Waxaana uu sheegay qoysaskaasi dhibaatooyinka ugu daran ee ay qabaan in ay ka mid yahiin,Cunno la,aan,Hoy la,aan iyo Caafimaad daro,Waxuuna ugu baaqey hay,adaha Samafalka,DF iyo Maamul Goboleedka Jubbaland in ay gurmad bini,aadinimo ay la soo gaaraan Qoysaska ku barakacay Fatahadaha webiga Jubba.

 

Axmed

Humbaale News

humbaale12@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here