Maamulka Baardheere oo Baaq qeylo dhaan ka soo saarey Boqolaal qoys oo ku Barakacay Fatahaada Webiga(Dhageyso))

0
507
Inta la ogyahay ilaa 500 oo qoys oo ku noolaa ilaa Afar Xaafadood ee ku yaala degmada Baardheere una dhow hareeraha uu  maro webiga Jubba, ayay saameysay fatahaad uu sameyay webiga todobaadkan,xaafadahaasi dadku ay ka barakaceen guryahooda ayaa waxaa ka mid ah,Musawa,Bulo kulow,Kurmaan iyo Buulo kaskey.
Xuseen Cabdi Xalane waa Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere  ayaa HUMBAALE uu  u xaqiijiyay in fatahaada Wabiga uu geystay ay ku barakaceen dad ka badan ilaa 500 oo qoys welina ay jirto cabsi kale oo la xiriirta fatahaado kale oo uu wabiga gaysto.
waxuuna ugu baaqey dadka degan hareeraha webiga iyo Togaga biyo mareenada in ay ka diyaar garoowaan,waxuuna dhinaca kale Cosi baaq ah uu u jeediyey  hay,adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha Dibada ee Soomaalida in gurmad bini,aadinimo ay la soo gaaraan qoysaska ka barakacay guryahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here