Mas,uuliyiinta Jubbaland oo Booqdey goobahii uu ku fatahay webiga Jubba ee Baardheere ayaa soo saarey Baaq gurmad Bini,aadinimo (Dhageyso)

0
550
Mas,uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Booqdey xaafadahii uu ku fatahay webiga  jubba degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay ka deyriyeen khasaaraha baaxada leh ee ka dhashey fatahaadii dhowaan uu sameeeyey Webiga Jubba oo ay ku barakaceen Boqolaal qoy,iyadoo sidoo kalena fatahaadaasina ay baabi,isey Dhamaan Beerahi waraabka ahaa ee ku yaalaey degmada Baardheere.
Cabdulaahi Nuur Xasan Cadow oo ah Gudoomiyaha Baardheere iyo Maxamed Muxumed Aden oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo si wadajir ah shir jaraa,id ugu qabtey gudaha degmada Baardheere ayaa waxay sheegeen in dhibaatada uu geystey fatahaada webiga Jubba in ay kahasaaro ka soo gaartey Boqolaal qoys oo danyar ,waxayna Codsi baaq ah u direen DF iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland in ay u soo gurmadaan dadka ay sida daran u saameysay Fatahaada webiga.
Humbaale News.
Humbaale12@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here