Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka magaalada Baydhabo & Warar sheegaya in…

0
542

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Ururka Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Baydhabo ee gobolka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Meelshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaa soo oo ka baxay Baydhabo, islamarkaana kusii jeeday degmada Qansaxdheere.

Ku Dhawaad 5 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay iyadoona dhaawaca uu ka badan yahay intaasi sida ay sheegayaan dad ku dhaw halkii lagu dagaallamay.

Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa la soo gaarsiiyay qaar ka mid ah Askartii kusoo dhawaacantaya Weerarkii ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro qorsheysan la eegta Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, xilliyadda ay ku jiraan howlgallada iyo sidoo kale Safaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here