XOG CUSUB: Al-Shabaab oo ka wallaacsan Saldhiga Militari ee Mareykanku ku leeyahay Somalia,Qorshe halisna ah u degay

0
651

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay iney kor kala socdaan dhaq dhaqaaqa Saldhiga Militari ee Mareynkanka ku leeyahay Soomaaliya gaar ahaan deegaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha hoose.


War ka soo baxay Mareynkanka ayaa lagu sheegay in lagu balaariyay Howlgalka Militari ay ka wado qaaradda Africa gaar ahaan Soomaaliya,sidaasi daraateedna  ay ballaarisay dhismaha garoonka melleteriga Balidoogle oo loo rogay saldhig weyn, dhismayaasha ku dhax yaal saldhigga waxaa lagu diyaariyay inka badan 800 oo sariirood waxaana latilayaa in sariirahaas ay jiifsadaan askar iyo saraakiil American ah.

Kooxda Al-Shabaab oo xiran Ururweynaha Al-Shabaab ayaa sheegay in mar kasta ay u taagan yihiin Difaaca Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana aysan ogolaan doonin in Mareynkanka uu dhul balaarsi ka sameeyo Soomaaliya.

Mareynkanka ayaa Dowladda Soomaaliya ka caawiya dhinaca farsamada,wuxuuna Duqeyn ka geystaa qeybo ka mid ah Soomaaliya,gaar ahaan deegaanada ay ku xoogan yihiin shabaab.

Melleteriga Mareykanka ayaa si qarsoodi ah Balidoogle uga dhigay saldhigga sedaxaad ee ugu weyn saldhigyada melleteri ee qaaradda Afrika marka laga reebo saldhigyadiisa kuyaal Jabuuti iyo Niger.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here