Askar Kenyan Ah Oo Lagu Dhamaaday Qarax Ka Dhacay Jubba Hoose

0
459

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weeraro Miino ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ka dhacay duleedka Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubba Hoose.

Qaraxaan oo dhacay shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa lagu dilay ku dhawaad Todoba Askari, halka Tobbaneeyo kale ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay warbaahinta Maxaliga ah ee deegaanada maamulka Jubbaland.

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan weerarkaan oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ee Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan.

Laakiin, dagaalamayaasha AlShabaab ayaa waxay inta badan ay beegsadaan Kolanyadda AMISOM, iyo kuwa dowladda Soomaaliya, halkaasoo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaasoo ciidamada soo gaara.

Qaraxaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay in sanadka 2021 ay AMISOM isaga bixi doonan dalka, taasoo walaac badan ay ka muujiyeen saraakiisha Howlgalka Midowga Afrika.

Waxay sheegayaan in hadii ay ka baxaan Soomaaliya ay keeni kareyso in amaanka Soomaaliya uu dayacyo, maadaama ciidamada Soomaalida aysan udiyaarsaneen inay la wareegaan amaanak dalkooda ayna ku filneen, sida ay hadalka udhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here