RW Khayre Oo Ku Wajahan Deg. Hobyo & Ujeedka Safarkiisa

0
375

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay safar ay ku tagaan degmada Hobyo ee ka tirsan Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre iyo wafidigiisa oo isugu jira Xilldhibaano kasoo jeeda deeganaada uu kusii jeedo iyo Wasiiro ayaa wuxuu salka ku hayaa sidii uu uu Xariga uga soo jari lahaa mashaarciiyo kala duwan iyo sidii uu kuwa usoo dhaxgax dhigi lahaa.

Warar ay  heleyso Shabakada Xogfidis Online, ayaa waxay sheegayaan in socodaalkaan ay ku wehlin doonaa Khayre safiirada Turkiga iyo Qadar, iyo waliba Diblumaasiyiin ka socota Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya.

Waxyaabaha uu xariga ka jiri doono Khayre waxaa kamid ah Wadooyin ay dhiseen Shacabka reer Galmudug gaara ahaan reer Hobyo, kuwaasoo ay ka qeyb qaateen dhisitaankeeda dowladaha Turkiga iyo Qadar.

Socodaalka uu Khayre ku bixinayo Hobyo ayaa wuxuu imaanayaa bilooyin kadib markii uu halkaas safar uu kusoo maray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed [Farmaajo], kaasoo soo dhagax dhigay Dekada degmada Hobyo.

Dadka ka faalooda siyaasadda ayaa waxay aaminsan yihiin in socodaalka uu huban yahay Dano siyaasadeed oo ay Turkiga iyo Qadar ka leeyihiin Degmada Hobyo, islamarkaana la doonayo in loo gacan geliyo mid kamid ah laabdaan dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here