DAAWO: Isimada & Waxgaradka Puntland oo MD Muuse Biixi ka dalbaday sii deynta Boqor Buurmadoow

0
620

Isimada iyo Waxgaradka Puntland,ayaa dalbaday in la sii daayo Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ku xiran xabsi ku yaalo magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

Boqor Buurmadoow ayaa Maxkamada Hargeysa ku xukuntay shan sano oo xarig ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay fal ka dhan ah Qaranimada iyo Madax banaaninada Somaliland.

Isimada Puntland ayaa sheegay iney muhiim tahay in la ilaaliyo Qayimka iyo sharafta Boqornimo,islamarkaana la xaq dhowro xuquuqda qofka shaqsi ahaaneed.

Waxayna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka dalbadeen inuu sii daayo Boqor Buurmadow oo ku xiran xabsiga magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xafis u fidiyay oo shalay xabsiga laga sii daayay Abwaanad Naciimo Qorane oo lagu eedeeyay Caay,iyo Aflagaadinimo.

 

 HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here