Imaaraadka iyo Sucuudiga oo si layaab leh kaga hadlay go’aanka Trump ee heshiiska Nukliyeerka Iran

0
555

Dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa taageeray go’aanka dowladda Mareykanka ay uga baxday heshiiskii dhinaca Nukliyeerka ee ay waddada Lixda ahaa la galeen Iraan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaaciyay in dalkiisa uu ka baxay heshiis uu ku sheegay mid hal dhinac ah oo u daneynayay Dowladda Iraan.

Go’aankan waxaa bogaadiyay Maamulka Israel oo dabada ka riixayay sidii heshiiskaas loo baabi’in lahaa waana ay ku guuleysatay ugu dambeyn.

Warbixin ay soo saareen Waddamada Imaaraadka iyo Sucuudiga ayey ku sheegeen in ay dowladda Mareykanka ku raacsanyihiin go’aanka ay kaga baxday heshiiskii dhinaca Nukliyeerka ee lakala saxiixday 2015kii.

Wakaaladda Wararka Dowladda Sucuudiga ee SPA ayaa iyana daabacday in dowladda Sucuudiga ay ku raacsan tahay mareykanka go’aanka uu Trump ka qaatay heshiiskaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here