Xogwaran : Safarka Madaxweynaha uu barito ku tagaayo Qatar

0
1769

Wafdi uu hogaamin doono Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” aya la filaaya in maalinimada barito ah uu u ambabaxo magalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar.

Safarka Madaxweynaha aya waxaa ku wehlin doono Wasiirka Arimaha Dibada , Xildhibaano , masuuliyin katirsan Dowlada & Safiir sugaha Soomaliya u fadhin dooni Qatar Mudane Cabdirisaq Axmed Sholla oo kamid ah 7da Gollaha Sare. Waxa wafdiga Madaxweynaha Dooxa ugaga horeeyo xubno sarre uu kamid yahay Agaasimaha Madaxtoyada Mudane Fahad Yaasin xaaji Dahir ( Xafidahullahu Tacala) oo garwadeen ka noqon doono heshiiska siyaasaded eey gaari doonan labada dal ee walalaha ahi.

U jeedada safarka ayaa ah laba qodob. Koow in Qatar eey buuxiso booski Imaaradka Carabta lana wareegto Ciidamada eey tababari jirtay, geesta labaad ayaa ah in Qatar eey Soomaliya dhaqaale ugu deeqdo taas oo eey ku kordhineyso miisaniyada dalka , geesta kalana fuliso mashruuci afar bilood kahor eey la sixiixden Wasiirka Qorsheynta Soomaliya Ambassador Jamal Hassan kaasi oo aha in eey dhisaan adeegyo bulsho sida isbitaal, iskuul, laami & Airport.

Humbaale News

Humbaale12@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here