Madaafiic Lagu Weeraray Saldhiga Turkiga Ee Muqdisho [Khasaaraha

0
357

Xoogaga hubeysan ee AlShabaab ayaa sheegatay in ku dhawaad 13 Madfac ay ku ganeen Saldhiga lagu tababaro ciidamo Soomaaliya oo ay Dowlada Turkiga ka dhistay ku duleedka Magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.

Weerarkaan oo hadii la xaqiijiyo noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay AlShabaab ku qaado Saldhigaan ayaa wuxuu dhacay Aroor hore oo saaka oo Sabti ah, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Shabaab.

Saldhigaan oo ku yaala deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la furay 30-kii September ee sanadkii tagey ee 2017, iyadoona ay kasoo baxeen hal guuto oo ciidan ah, kuwaasoo hada amaanka sugista xerada qeyb ka ah.

Wali ma jirto wax hadal ah oo ku aadan weerarkaan, kaasoo ay soo saareen saraakiisha Turkida ah ee ku sugan gudaha xerada, iyo waliba taliska ciidanka xooga Soomaaliyeed, inkastoo Shabaab dhankooda aysan faah-faahin dheeri ah bixin.

Lama sidoo kale, hadii uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac ama maaliyadeed, sidaas si lamid ah lama sheegi karo hadii Hoobiyaasha ay ku dhaceen gudaha Saldhigaan oo ah midkii ugu horeeyay ee Turkiga ka dhiso meel ka baxsan dalkiisa.

Hasa-yeesheen, weerarkaan Madfaca ah ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo Muqdisho ay ka socdaan dhaqdhaqaqyo la doonayo in lagu xaqiijiyo amaanka Muqdisho, kaasoo mudooyinkii dambe faraha kasoo baxayay.

Afar maalin ka hor, ayaa weerar Madfac loo adeegsaday wuxuu ka dhacay degmada Warta Nabada ee Muqdisho, halkaasoo uu ka geystay khasaaro isugu jira dhaawac iyo maaliyeed, iyadoo dadka ku dhaawacmay Shan kamid ah ay isku qoys ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here