Weerar kale oo is-miidaamin ah oo ka dhacay Indonesia, kadib Qoyskii is-miidaamiyey & Khasaaraha

0
595

Weerar kale oo is-miidaamin ah ayaa ka dhacay dalka Indonesia kadib weeraro qorsheysan oo qoys ka kooban 7 qof ay ka geysteen dalkaasi oo dhalisay xaalad aan hore loo arag.

Wararka ayaa sheegaya in laba qof oo saarnaa Mooto ayaa weerar is-miidaamin ah ku qaadeen xarun Booliis oo ku taal magaalada Surabaya, maalin kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen kaniisado ku yaalla dalka Indonesia.

Saraakiil booliis ah ayaa lagu dhaawacay qaraxa, kaas oo dhacay subaxnimadii saaka saacadda dalkaas, balse ma cadda tirada saxda ah ee dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

Kooxda isku yeertay Dowladda Islaamiga ah ee Daacisg ayaa shegatay in ay ka dambaysay weeraradaas. Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo oo ka hadlay weerardaas ayaa ku tilmaamay  kuwo fulaynimo ah oo bini aadanimada ka fog.

Wali lama hubo in weeraradani ay yihiin kuwo la xiriira qaraxyadii dadka badani ay ku dhinteen ee axaddii dhacay.

Afhayeen u hadlay booliiska bariga Java oo lagu magacaabo Frans Barung Mangera ayaa sheegay in aan wali lasoo saarin faahfaahin dhammaystiran oo la xiriirta dhacdadaan, asagoo sababta ku sheegay in ay wali baarayaan dadka halkaas ay waxyeelladu kasoooo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here