DAAWO:- Madaxweynaha Somaliland Oo Amaan Ka kul dhacay Dadka Reer Puntland , Fariina Hawda U Mariyey “Dadka Puntland Waa Dad Gob Ah,,

0
665

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliland ay mar walba diyaar u tahay in ay iska difaacdo cidkasta oo deegaanadeeda kusoo duusha,xilli maalma kahor deegaanka tukaraq ay dagaal kula galeen Ciidamada maamulka Puntland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Soomaliland ay diyaar u tahay in ay tallaabo ka qaado cidkasta oo nada diidan,balse marka hore ay siin doonaan digniin tan xigtana ay noqon doonto in ay la-daagalamaan sida uu hadalka u dhigay.

Hadalada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in marwalba Soomaaliland ay diyaar u tahay in ay nabada qaadato balse aysan ogolaan doonin in deegaanadooda lagu soo xadgudbo.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa daba-socda iyada oo maalma kahor madaxweynaha Puntland Cabduweli Gaas,uu sheegay in Soomaaliland ay dooneyso in ay qabsato dhul aysan laheyn balse ay iska difaaci doonaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here