DAAWO:- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Arinta Tukaraq baaq Nabadeedna u dirtay Somaliland iyo Puntland

0
660

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Puntland iney qaboojiyaan Xiisada ka taagan deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool.

Mudane: Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inaan xilligan loo baahneyn dagaal lagu hoobtay,balse badelkeeda loo baahan yahay in wax walba wada hadal iyo is afgarad lagu dhammeeyo.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ayaa uga digay Maamulada Puntland iyo Somaliland in dhiiga shacabka si micno daro ah loo daadiyo.

‘Waxaan leeyahay Somaliland iyo Puntland looma baahna in dhiigga dadka Soomaaliyeed la daadiyo. ” ayuu yiri R.W Ku xigeenka Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleed.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Nagala Soco Youtube Channel – Fadlan Subscribe saar 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here