Faahfaahin: Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye & Khasaaraha ka dhashay

0
651

Afgooye(Humbeele.com):- Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Weerarkii Ismiidaamin aha ee ka dhacay Degmadaasi lala beegsaday Ciidanka loo yaqaan Bangarafta ee Saldhggooda yahay Balli doogle,waxaana xilliga weerarka ay marayeen Isgooyska Baar Ismaaciil ee Magaalada Afgooye.

Ururka Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarkan sheegtay ayaa ku faanay in ay ku dileen 12 Askari kuwo kalen ku dhaawaceen.

Warka soo baxay Kooxda Al-shabaab ayey ku sheegteen in Nin iyaga ka tirsanaa oo watay Gaari laga buuxiyay walxaha Qarxa uu ku dhuftay Gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Askarta Dowladda Soomaaliya.

Ciidanka la weeraray ayaa ka yimid dhinaca Garoonka Balli doogle,waxaana ay ku soo jeedeen Magaalada Muqdisho,iyada oo ilaa hadda Dowladda Soomaaliya aysan ka hadlin weerarkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here