Sanbalooshe oo soo jeediyay talooyin ku saabsan Ammaanka Muqdisho & Sida ugu Fudud oo looga bixi karo caqabadaha Amni ee taagan

0
647

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa soo jeediyay in wax ka badal lagu sameeyo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay dowladdii dhexe ay sameysay Kobac ballaaran,islamarkaana ay dhinacyo badan u fiday ayna adag tahay in Ammaankeeda laga suggo hal meel.

Waxaa uu xusay in ay  muhiim tahay kordhinta Koontaroolada gaadiidka lagu baaro, iyadoo ciidamada la siinaayo qalab badan oo amniga ay ku sugaan.

Wuxuu sheegay Sanbaloolshe dhiiragelinta iyo abaalmarinta ciidamada qabta shaqooyinka adag inay door ka qaadanayso qorshaha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe oo la hadlay VOA, ayaa sheegay Muqdisho inay ballaaratay oo ay kobacday, sidaasi awgeedna muhiim inay tahay sameynta qorshe amni oo Magaaladan loo dajiyo, maadaama Shabaab xilli kasta isku dayaan fulinta falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

“Meeshaan Muqdisho dee Ex-Control ama Asluubta lagama koontarooli karo, markii ay dhacday dowladii dhexe Magaaladan si qayru caadi aheyn ayeey u kobacday, waxaa la rabaa Shabellada hoose, qaasatan Afgooye, Lafoole Siinka dheer iyo dhinacaan Jazeera in la dhigo Koontaroolo badan, lana geeyo qalab sahlaayo gaadiidka qaraxyada wada in lagu ogaado.” Ayuu yiri Sanbaloolshe.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa sheegay inay muhiim tahay kordhinta Koontaroolada gaadiidka lagu baaro, iyadoo ciidamada la siinaayo qalab badan oo amniga ay ku sugaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here