DAAWO:- Prof. Samatar oo ka hadlay dagaalka Tukaraq “Tuka-raq iskuma hayaan dadka Somaliland iyo Puntland”

0
670

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dhinaca kale, waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee ay dirayaan aqoonyahanka, odayaasha iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ka xun dagaallada dhex maraya labada dhinac, xilli lagu jiro bisha Ramadaan, saameynta duufaan, roobabka iyo daadadka.

Aqoonyahanka ayaa qaba in dagaaladan ay dhinacyadu guulaha ka sheeganayaan aaney soo kordhineyn waxaan aheyn dhimasho iyo barakac.

Aqoonyahankaasi waxaa ka mid ah Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota. Jaamac Buule Jaamac ayuu khadka taleefanka ugu waramay.

Aqoonyahan  Samater  ayaa waxaa uu dagaalkaasi ku tilmaamay mid doqon nimo ah isla markaana waxaa uu eedeymo u jeediyey labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland.

Halkan hoose ka dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here