Maydka Kenyaan Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Laga Helay Xero Ku Taalla Degmadda Jilib ( YAA DILAY)

0
605

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray in Maydka Dagaalame  Kenyaan ah laga helay meel ku dhow dhismo ay Dagaalamayaasha Ajaaniibta ka deggan yihiin Xero ku taalla magaalladda Jilib.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay  Cabdi Kimani, ayuu Wargeysku qoray inuu is-dilay, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya inuu is-dilay.    Ninkaasi oo 3 isbuuc oo keliya ku sugnaa Xeradaasi.

Dhinaca kale, Boqolaal Dagaalyahano Kenyan ah ayaa ka tirsan Ururka Al-shabaab, kuwaasi oo badankooda ka hawl-gala Goballadda Jubbooyinka iyo gudaha dalkaasi.

Inta badan Dagaalamayaasha Kenyaanka ayaa la tilmaamay inay ka tirsan yihiin Ciiddanka Jeysh Ayman oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here