Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaalkii Tuka-raq & Cida Wararka soo qaaday

0
873

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa oo ka hadlayay dagaalka saaka ka dhacay Tuka-raq ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya iyo kuwa Puntland weerar lixdii subaxnimo ku soo qaadeen Ciidammada Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool.

Related image

“Saaka Abaaro lixdii Aroornimo ayaa ciidammada cago-jiidka ah ee maamulka Farmaajo uu mar kale isku dayay inuu weerar ku soo qaado xuduudaha iyo ciidammada Somaliland ee fadhigiisu yahay Tukaraq, marnaba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo wuxuu sheegay in Ciidamada Puntland oo ay  la socdaan kuwa Dowladd Soomaaliya ku jabeen weerarkii ay soo qaadeen, waa sidaa uu hadalka u digaye;

“Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’iidaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawladda Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeenoo ay Ciidammada Puntland saddex meelood weerar ka soo qaadeen Ciidamada  Somaliland,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh  Somaliland.”

Puntaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here