Waa Sidee Xaaladda deegaanka Tukaraq? (Intee la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Maanta)

0
609

Dagaallo u dhaxeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa saakay mar kale dib uga billowday deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool, waxaana ka dhashay dagaalkan khasaare kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo goobaha lagu dagaallamay ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid deggan, islamarkaana Labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan kala wadaan.

Qof ku sugan deegaanka Tukaraq ayaa u sheegay Warbaahinta, in  dagaalku uu ha mid Culus dhinacyada dagaallamay uu soo kala gaaray khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

In ka badan 10 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa naloo xaqiijiyey in dagaalkaan ay ku dhinteen, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Labada dhinac, Somaliland iyo Puntland ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalladan, waxaana dhan walbo uu sheegay in lasoo weeraray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here