DAAWO:- MD Muuse Biixi Oo Si la yaab leh kaga Hadley Xariga Boqor Buurmadow ” Saxiibkay Waxaa Lagu Soo eedeeyay..” 

0
668

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xariga boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee somaliland ayaa sheegay in boqorku u xiran yahay sharciga dalka, waxaanu yidhi

 “Boqor Buur madow waxa soo eedeeyey xeer ilaalinta, waxaana lagu soo eedeeyey hadal uu yiri oo aanu cidna ka qarin oo ka hor imanayey sharciga inoo dhisan, markii aanu waydiinay raga kale maxa loo soo eedayn waayeyna waxay yiraahdeen xaqiiq hadal ah oo ka duuban ma hayno, tagitaankuna dambi muu ahayn oo waxay wada ahaayeen Suldaano iyo Boqoro, mar walbana way tagaan oo hablo ayey soo guuriyaan, mag bay soo kala qaadaan, qolo dhexe ayey isku celiyaan markaa erayga boqor iyo Suldaan tagay muu ahayn dambi laakiin waxa dambi ah qofkii maxaa ka yimid.”

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here