Dagaal xoogan oo ka dhacay Afaafka hore Xabsiga Godka Jilacoow ee Muqdisho (YAA KU DAGAALAMAY)

0
591

Israsaaseyntaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxa ay ka dhacday afaafka hore ee Xabsiga Godka Jilacoow ee degmada Boondheere,waxa ayna u dhaxeysy Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

dad ka agdhow goobta lagu dagaalamay  ayaa waxa ay sheegeen in ay is-rasaaseyntan dhaxmartay Ciidamo isugu jira Milateri iyo Nabadsugid gaar ahaan kuwa ilaalada ka ah Xabsiga Godka Jilacoow,waxana la sheegay in hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Milateriga uu halkaasi ku dhaawacmay.

Sababta is rasaaseynta ayaa lagu sheegay in ciidamo Milateri ah oo watay Gaari ay doonayeen in ay maraan Wadada hormarta Xabsiga Godka Jilacow balse ay ilaalada ka diideen taas oo keentay in ay is rasaaseeyaan.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Milateriga ah la doonayey in hubka laga dhigo balse ay diideen sidaasina ay is rasaaseynta ku timid.

Xaalada ayaa haatan ah mid degan,waxana goobta soo gaarey Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda kuwaas oo xaliyey khilaafkii meesha ka dhashay.

Nagala Soco Youtube Channel – Fadlan Subscribe saar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here