DAAWO:- Waa Sidee Dhaawaca Soo Gaarey Ciyaar Yahanka Maxamed Saalax 

0
1086

Ciyaaryahanka caanka ah Maxamed Salaax ee udheela kooxda Liverpool, kaas oo xalay garabka six un uga dhaawacmay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee dhexmartay kooxdiisa iyo Real Madrid ayaa ku jira isbitaal, waxaana la saarayaa raajo.

Maamulaha kooxda Jurgen Klopp ayaa yiri “Dhaawaca waa mid aad u daran”.

 Salaax ayaa waxaa hardi ay foodda is dareen hormuudka kooxda Real Madrid , iyada oo marka ay dhulka iskula dhaceen ay gacanta u hoos martay.

Xiriirka kubbadda cagta ee Masar ayaa sheegay in ay rajaynayaan in Maxamed Salaax ay u suurtogali doonto in uu u safto xulka dalkiisa, kana qeybgalo koobka adduunka.

44 gool ayuu u dhaliyay kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan, isaga oo ku horeeyay xagga gool dhalinta xilliga.

9 jeer ayuu sameeyay isku day uu ku dhalinayo gool, balse uma aysan suurtoobin.

Sanadkii hore ayay Liverpool lasoo wareegtay Salaax, iyada oo kula soo wareegtay lacag dhan £34m.

halkan hoose ka daawo

halkan hoose ka daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here