Somaliland oo Shaacisay in ay sii deysay 14 sano jir lagu qabtay dagaalkii Tuka-raq

0
597

Maamulka Somaliland ayaa Shaaciyay in ay sii daayeen wiil 14 jir ah oo ka tirsanaa ciidamada Puntland,kasoo lagu qabtay dagaalkii maalmihii lasoo dhaafay ka socday degaanka Tukaraq.

Taliyaha ciidamada Somaliland iyo Wasiirka Difaaca Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wiilkaasi yar ay sii daayeen,islamarkaana ay ku wareejiyeen hooyaddiisa oo lagu Magacaabo Sacdiya Cabdi Maxamuud.

Somaliland waxa ay sheegtay in wiilkaasi da’diisu ay tahay 14 sano jir.

Somaliland waxa ay sheegtay in ay sii deyn doonto cidwalba oo dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Tukaraq lagu qabtay,kuwaasoo ah Carruur iyo waayeel.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay Somaliland ee ah in ay sii daayeen wiil yar oo ay ku qabteen dagaalkii Tukaraq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here