XASAASI:- Dowladda Qatar oo Amar Culus kusoo rogtay dalalkiii go’doomiyey (Ogow Muxuu yahay)

0
740

Dowlada Qatar ayaa ku dhawaaqday in ay guud ahaan mamnuucay Badeecadaha ay soo saaraan dalalkii Sanadii hore ku dhawaaqay in ay go’doomiyen.

Xukuumadda Duxa  ayaa amar ku bixisay in badeecadaha ay soo saaraan dalalka Sucuudiga, Imaaraat-ka, Baxrayn iyo Masar ee lagu iibinayo dukaamada waawayn ee laga saaro.

Wasiirka Wasaaradda dhaqaalaha Qatar ayaa warbixin uu soo saaray ku amray in badeecadaha afartaa dal laga soo dhoofiyo, dalka si deg deg ah looga saaro.

Waxa ay Arintaani daba socotaa khilaafka diblomaasiyadeed ee dhex yaalla Dowlada Qatar iyo wadamadaas.

Qatar waxay kaga gaashaamatay cunaqabataynta dhaqaale ee ay afartaa dal ku soo rogeen, hantideeda badan iyo badeecadahii ay ka joojiyeen oo ay ka ka heshay Turkiga iyo Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here