Al-Shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya

0
608

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga Ciidamada Badda Puntland ay ku leeyihiin degaanka Bali Qadar ee  Gobolka Bari sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Puntland.

Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen in dagaal culus uu ka dhacay Saldhigga ,islamarkaana Al-Shabaab ay dhowr Jiho ay ka weerareen degaanka.

Waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo Weerarkaasi ka dhashay.

Al-Shabaab waxa ay sheegteen in ay cagta mariyeen Saldhiggii ciidamada Puntland ee degaanka Balli qadar.

Ma jiro wax war ah oo wali kasoo baxay Saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here