Madaxweynaha Galmudug iyo Puntland oo kulan ku yeeshay Garowe ( Maxey ka wada hadleen)

0
606

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland .

Kulankaan ay yeesheen labada Masuul ay waxaa ay kaga wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Adkeynta nabad galyadda Magaalada Gaalkacyo, Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug,iyo Kaalinta ay ka qaadankaraan Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda.

Madaxweyne Xaaf  ayaa xalay ku hoyday Magaalada Garowe, waxaana lagu waddaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho.

MD Xaaf ayaa lagu soo waramayaa in diyaarad gaar ah uu ka raacay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la socday ciidamo isaga ilaalo u ah iyo qaar ka mid ah Xoghayntiisa, Safarkiisa kuma aysan wehlinayn Siyaasiyiin ama Xildhibaano.

Madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa ku guuleystay Nabadeynta Magaalada Gaalkacyo oo Sanado badan ay dagaallo ka socdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here