Wiil iyo Aabihiis oo lagu dilay Gaalkacyo (Yaa ka danbeeyay)

0
572

Askari horay uga tirsanaa ciidamada Puntland laakiin laga ruqseeyay markii uu ku dhacay Xanuunka Neerfaha ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo ku dilay Wiil iyo Aabihiis.

Askari ayaa xabado ku furay dad ku sugnaa hoteel ku yaalla Bartamaha Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, waxaana ku dhintay Wiil iyo Aabihiis.

Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa Risaala u sheegay in ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii falkaasi geystay.

Waxaa uu sheegay in ninkaan uu qabay Xanuunka,islamarkaana horay looga qaaday Qorigii uu watay ,laakiin hadda ay barayaan Qoriga uu dadka ku dilay halka uu ka keenay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here