AKHRISO: Muxuu Madaxweynaha Jubbaland uga hadlay Khudbadii uu ka jeediyay Shirka Golaha Amniga Qaran.

0
835

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Madoobe ayaa maanta ka qeybgaley shirka Gudiga Amniga Qaranka ee ka furmey magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur galbeed .

Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa ku sheegey in ay waajib tahay in la fuliyo dhamaan heshiisyadii hore ee shirarkii hore ee ay Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyadu isugu imaadeen ee aysan noqonin in maalinkasta aan la xar-xariiqin waraaqo cusub waxa kuqorana aan la fulineynin.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo hadal qaaday inaysan Dowladda federaalku u arag Dowlad goboleedyada xisbi siyaasadeed oo la tartamaya maadaama Dowlad goboleedyadu waxa ay ku doodayaan ay tahay in aan helno xuquuqdanadii dastuuriga ahayd ee dastuurku na siiyey ayuu yiri Madaxweynahu.

Amniga ayuu sheegey inay tahay waajib na wada saaran sidii looga xoreyn lahaa nadadiidka gobolada iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheeg  in loo bahan yahay gurmad wax ku ool ah lagaarsiiyo dadka ay saameeyeen fatahaadihii ka dhashey roobabka iyo fatahaada wabiga jubba isagoo hoosta ka xariiqay in ay taakulo dag dag ah gaarsiiyeen dadka sida aadka ah ay mashaqadu u saamaysay

Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa sheegey in lagu dadaalo in meesha laga saaro kala aragti duwanaanta siyasadeed ee ka dhaxeysa Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyad taas oo dhabaha u xaari karta in horay loo socdo waxaana uu sheegay in khilaafka joogtada ah uu curyaamiyay dantii Qaranka iyo shaqooyinkii ka muhiimsanaa Siyaasada sida amaanka iyo dib u dhiska wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here