DAAWO:- Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Barlamanka & Xildhibaano Cadaado kaga dhawaaqay inuusan Madaxweyne Xaaf metelin (SABABTA)

0
770

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal oo ay wehliyaan qaar ka mida Wasiiro iyo xildhibaaada Galmudug ayaa magaalada Cadaado kaga dhawaaqay in madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf aanu ku metelin shirka Baydhaba.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen  Cadaado ayay ku sheegeen in Xaaf aanu metelin maamulka Galmudug ee uu shaqsi ahaan uga qeyb galayo shirka Amniga Qaran magaalada Baydhaba, waxayna ugu baaqeen madaxda shirkaasi inaysan Xaaf aanu ka tarjumeynin Galmudug.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xaaf uu olole dagaal ka wado degaano ka mida Galmudug, iyadoo dowladda Federaalka iyo beesha caalamka lagu ogeysiiyay inuu dagaal sokeeyana ka dhalan karo.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo uu maanta shirka Amniga Qaran ee Soomaaliya ka furmay magaalada Baydhaba, iyadoo ay Galmudug uga qeyb galayaan Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa Xukumada Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxaa Xiligan muuqata in uu cirka isku sii shareerayo khilaafka ka dhaxeeya Madaxda ugu sareeysa ee Maamulka Galmudug

HALKN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here