SAWIRRO:  Ciidanka DFS oo soo Bandhigay Xubin Al-shabaab ka mid ah oo ay ku qabteen Dagaalkii Saaka

0
691

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay Nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Waxaa ay sheegeen in Ninkaas uu ka mid ahaa Ciidan ka tirsan Al-shabab oo saaka Aroortii weerar ku qaaday Ciidamada dowladda ee ku sugnaa Buunddada Degmada Baardheere.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa magaca Ninka ay soo bandhigeen ku sheegay Ibraahim Maxamed oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab laguna qabtay dagaalkii saaka aroortii hore ku dhexmaray Baardheere.

Weerarka Al-shabab ay ku qaadeen Baardheere ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyoodeen 4 ka mid ah Ciidamada Al-shabaab iyo labo Askari oo ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in ay la wareegeen Buundada Baardheere oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada dowladda,waxaa ay intaas raaciyeen in Ciidamada Itoobiya ay duqeeyeen xaafado ka mid ah Magaalada Baardheere.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here