XOG: Dowladda Qadar oo Villa Somalia ka dalbaday in lagu soo wareejiyo Sheekh Xasan Daahir Aweys (Ogow Maxay tahay sababtu?)

0
689

Dowladda Qadar ayaa la sheegay in ay dalbadtay In lagu soo wareejiso Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Al-Shabaab balse markii uu ka soo baxay Xabsi guri ka dhigtay Dowladda Soomaaliya.

Wararka arrintaan la xiriira ayaa tibaaxaya in Dowladda Qadar ay dooneyso iney magan galyo siyaasadeed iyo mid deegaan siiso Wadaadka Mayalka adag ee Sheikh Xasan Daahir Aweys,kaasi oo aan wali cadeyn mowqifkiisa Ururkii uu ka tirsanaan jiray oo caalamka u aqoonsan yahay Argagixiso caalami ah.

Dowlado badan oo Qadar ka mid tahay ayaa horay u dalbaday iney diyaar u yihiin iney magalyo siiyaan Wadaado horay uga tirsanaan jiray Al-Shabaab oo Xasan Daahir Aweys uu ka mid yahay,balse uu Xasan uu ka biyo diiday inuu si cad u sheegto inuu ka yimid fekerkii qaldanaa uu ka tirsanaan jiray,taasina ay sababtay in Dowladda Federaalka Xabsi guri ka dhigtay.

Dowladda Qadar ayaa horay magan galyo u siisay Sheikh Atom oo ahaa Hgaamiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Buuraha gal gala ee Puntland,kaasi oo si cad u sheegay inuu ka baxay Al-Shabaab.

Lama oga tallaabada Dowladda Federaalka ee ku aadan dalabkaan inkastoo Dowladda u janjeerto ama u dabacsan tahay amarada ama dalka ka yimaada Qadar maadama xiriir dhow kala dhaxeeyo madaxtooyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here