DAAWO:- Taariikhda Wariye Maxamed Terra Oo Maanta Ku Geeriyoodey Londan

0
1133

Allaha u naxariistee, Maxamed Aaden Xirsi Teerra oo ka mid ahaa weriyayaasha rug caddaaga ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada London.

Madaxa Laanta Af-Soomaaliga Cabdiraxmaan Yabarow, iyo dhammaan bahda VOA waxay ka tacsiyeynayaa geerida Marxuum Terra, waxayna Eebe uga baryayaan inuu jannadii Fardowso ka waraabiyo.

Dhinaca kale, geerida, Allah u naxariistee wariye Teerra, iyo shaqsiyaddiisii ayaa Ibrahim Xasan Dandureey uu wax ka weydiiyay qaar ka mid ah rugcaddaga wariyayaasha Soomaaliyeed oo ay iskala soo shaqeeyeen Radiyo Muqdisho ee Madaxa Laanta Afka Somaliga ee VOA, Cabdiraxman Yabarow, Maxamud Sheekh Axmed Dalmar, Saciid Faarax Maxamuud, Cabdulqaadir Maxamed Mursal, iyo Maxamud Cabdi Cali Ducaale, waxaa hadlka ku horeynaya Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here