Wararkii ugu dambeeyay Al-shabab oo Weerar Culus ku qaaday degaanka Deynuunay

0
829

Muqdisho(Humbaale.com):- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Deynuunay oo qiyaas ahaan 26-KM ujira magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Koox hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Deynuunay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday saacad iyo wax ka badan, sida dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacmaayaa waxa uu sheegay Al-Shabaabka weerarka soo qaaday in laga war hayay, ciidankana ay iska difaaceen, wuxuuna beeniyay in Shabaab ay la wareegeen degaanka.

“Ciidamada xoogga iyo kuwa Koonfur Galbeed way ka war hayeen Shabaabka weerarka soo qaaday, gudaha ayay soo galeen, kadib ayaa dagaal lagu bilaabay, khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaan gaarsiinay nabad diidka, dib ayaan ka soo sheegeynaa khasaaraha dhabta ah, hada degaanka waxaa u sugan ciidanka dowladda.” Ayuu yiri Nuuradiin gacma.

Bulshada ku dhaqan Deegaanka Deynuunay ayaa waxay walaac ka muujinayaan waxyeelo kaga timaada Ururka Al-Shabaab, haddii ay la macaamilaan Ciidamada Dowladda ee fariisimaha ku leh cirifyada deegaankaasi.

Humbaale News

Humbaale12@gmail.com

Xafiiska Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here