SAWIRRO: Muran badan oo ka dhashay Shirkii dalalka G-7 (Maxaa la isku qabtay?)

0
704

Dalka Canada ayaa lagu oo gabagabeeyay Shirkii u dhaxeeyay dalalka G 7, waxaana laga soo saaray qodobo ay qaar ka mid ah Madaxdii Shirkii G7 ka qeyb galay ay diideen in ay saxiixaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegey in wakiiladiisa aysan saxiixan war martiyeedka dalalka G-7 ee shirka ku lahaa dalka Canada Jimcihii iyo Sabtidi, kadib markii uu dhibsaday war uu soo saaray Reysal wasaaraha Canada, Justin Trudeau, xilli uu Trump shirka ka soo tagay.

Trump, ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray, “waa qof aan daacad aheyn oo aad u liita,” isagoo u jawaabayay hadalka Trudeau ee ku aaddan canshuurta Cusub ee Mareykanka ee alamuniyamta iyo biraha inay yihiin kuwa aflagaaddo ah.

“Marka loo eego, hadalka beenta ah ee uu ka sheegey Justin shirkiisa jaraa’id iyo xaqiiqda ah in Canada ay lacago badan dul saareyso beeralleyda Mareykanka, shaqaalaha iyo shirkadaha, waxaan amrey wakiillada Mareykanka inaysan ayidin war murtiyeedka, inagoo eegi doona canshuuraadka gawaarida ku soo qul qulaya suuqyada Mareykanka!” ayuu Trump yiri.

Trudeau ayaa soo xirey Sabtidii shirkii dalalka toddobada ee G7, kaas oo Kanada uga socday laba maalmood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here