AKHRISO: Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Digniin ku socota Kalluumeysatadda Soomaaliyeed ( MAXEY TAHAY)

0
671

Muqdisho(Humbaale.com):- Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa uga digtay Dhammaan kalluumeysatadda Soomaaliyeed in ay badda galaan inta lagu guda jiro bad xiranka  taasi oo ay suurtagal tahay  in kaluumeeysatada ay dhibaatooyinka kala kulmaan gudaha bada.

Qoraal kasoo baxay  Wasaarada Kalumeysiga iyo Kheyraadka bada ayaa lagu sheegay in kaluumeeysatada Soomaaliyeed ay ka feejignaadaan tagida meelaha  fog-fog ee Bada gudaheeda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Kalluumeysatadda Soomaaliyeed aysan heysan qalab ku filan sidaasi darteed in laga doonaayo in ay muujiyaan feejignaan.

inta lagu guda jiro xilliga Bad xeranka ayay Kaluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan  khasaarooyin isugu jira Naf iyo Maal, waxaana la sheegayaa in hada gudaha Bada lagu waaysanyahay 3 Doomood iyo dhammaan dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here